Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 94

SABUURRADII 94:10-17

Help us?
Click on verse(s) to share them!
10Kan quruumaha edbiyaa, sow wax hagaajin maayo? Kaasoo ah kan dadka aqoonta bara?
11Rabbigu waa og yahay fikirrada binu-aadmigu Inay micnela'aan yihiin.
12Rabbiyow, waxaa barakaysan ninkii aad edbiso, Oo aad sharcigaaga wax ka barto,
13Si aad uga nasiso maalmaha belaayada Inta kan sharka lahaa godka loo qodayo.
14Waayo, Rabbigu dadkiisa xoori maayo, Oo dhaxalkiisana dayrin maayo.
15Waayo, garsooriddu waxay ku soo noqon doontaa xaqnimada, Oo inta qalbigoodu qumman yahay oo dhammuna way raaci doonaan.
16Bal yaa ii kacaya oo sharfalayaasha iga hor joogsanaya? Oo yaa ii soo istaagaya oo xumaanfalayaasha iga celinaya?
17Rabbigu haddaanu i caawin, Hadda naftaydu waxay joogi lahayd meesha aamusnaanta.

Read SABUURRADII 94SABUURRADII 94
Compare SABUURRADII 94:10-17SABUURRADII 94:10-17