Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 26:6-12 in Somali

Help us?

SABUURRADII 26:6-12 in Kitaabka Quduuska Ah

6 Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta, Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,
7 Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo, Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
8 Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay, Iyo meesha ammaantaadu joogto.
9 Naftayda ha la ururin dembilayaal, Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,
10 Gacmahooda belaayadu ku jirto, Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.
11 Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda, Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.
12 Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman, Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.
SABUURRADII 26 in Kitaabka Quduuska Ah