Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 26

SABUURRADII 26:6-12

Help us?
Click on verse(s) to share them!
6Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta, Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,
7Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo, Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
8Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay, Iyo meesha ammaantaadu joogto.
9Naftayda ha la ururin dembilayaal, Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,
10Gacmahooda belaayadu ku jirto, Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.
11Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda, Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.
12Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman, Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.

Read SABUURRADII 26SABUURRADII 26
Compare SABUURRADII 26:6-12SABUURRADII 26:6-12