Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 119:101-106 in Somali

Help us?

SABUURRADII 119:101-106 in Kitaabka Quduuska Ah

101 Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh, Si aan eraygaaga u dhawro.
102 Xukummadaada gees ugama aan leexan, Waayo, wax baad i bartay.
103 Erayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa! Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin!
104 Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa, Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay.
105 Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyinkaygana iftiin.
106 Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.
SABUURRADII 119 in Kitaabka Quduuska Ah