Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - LUUKOS

LUUKOS 21

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Kor buu u eegay, oo wuxuu arkay kuwa hodanka ah oo hadiyadahoodii khasnadda ku ridaya.
2Wuxuuna arkay carmal miskiin ah oo meeshaas laba lacag ah oo yaryar ku ridaysa.
3Markaasuu yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Carmalkan miskiinta ah waxay ku ridday wax ka badan wixii ay dhammaan ku rideen.
4Waayo, kuwaas oo dhan waxoodii badnaa ayay wax kaga rideen hadiyadaha, iyaduse miskiinnimadeeda waxay kaga ridday wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan.
5Oo qaar kolkay macbudka ka hadlayeen in dhagaxyo wanaagsan iyo hadiyado lagu qurxiyey, wuxuu yidhi,
6Waxaa imanaya maalmo goortii kuwaas aad arkaysaan aan dhagax dhagax kale dushiisa lagu dul dayn doonin oo aan la dumin doonin.
7Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, goormay waxyaalahanu ahaan doonaan, oo calaamadu maxay ahaan doontaa goortii waxyaalahanu ay dhowaan doonaan?
8Markaasuu yidhi, Iska eega yaan laydin khiyaanayn, waayo, qaar badan ayaa magacayga ku iman doona, oo waxay odhan doonaan, Anigu waxaan ahay isaga; iyo, Wakhtigu waa soo dhowaaday. Ha raacina.
9Oo markaad dagaallo iyo rabshooyin maqashaan ha baqanina, waayo, kolka hore waxyaalahanu waa inay dhacaan, laakiin dhammaadku kolkiiba ma aha.
10Markaasuu ku yidhi, Quruunba quruun bay ku kici doontaa, boqortooyona boqortooyo.
11Waxaa meelo kala duwan ka dhici doona dhulgariir iyo abaaro iyo cudurro, samadana waxaa laga arki doonaa waxyaalo cabsi leh iyo calaamooyin waaweyn.
12Waxyaalahan oo dhan hortood gacmahooday idin saari doonaan oo idin silcin doonaan oo idiin dhiibi doonaan sunagogyada iyo xabsiyada, oo waxaa magacayga aawadiis laydiin hor geeyn doonaa boqorro iyo taliyayaal.
13Waxayna idinku noqon doontaa marag.
14Sidaa darteed qalbiyadiinna geliya inaydnaan hore ugu fikirin waxaad ku jawaabi doontaan.
15Waayo, waxaan idin siin doonaa af iyo xigmad aanay cadaawayaashiinna oo dhammu ka adkaan karin oo aanay ka gees hadli karin.
16Laakiin idinka waxaa idin gacangelin doona waalidkiinna, iyo walaalahiinna, iyo xigaalkiinna, iyo saaxiibbadiinna, qaarkiinnana waa la dili doonaa.
17Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona.
18Tinna madaxiinna kama lumi doono.

19Waa inaad naftiinna ku haysataan dulqaadashadiinna.
20Laakiin goortaad aragtaan Yeruusaalem oo colal ku wareegsan yihiin, markaas ogaada in hallaynteedu dhow dahay.
21Markaas kuwa Yahuudiya joogaa buuraha ha u carareen, kuwa gudaheeda ku jiraana ha ka baxeen, kuwa beeraha joogaana yaanay gelin.
22Waayo, kuwanu waa maalmo aargudasho in wixii la qoray oo dhammu ay noqdaan.
23Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya, waayo, dhulka dhib weyn ayaa ka dhici doonta, dadkanna cadho.
24Waxayna ku dhici doonaan seef afkeeda, oo waa la qabsan doonaa, oo quruumaha oo dhan la geeyn doonaa; quruumuhuna Yeruusaalem ayay ku tuman doonaan ilaa wakhtiga quruumuhu ka dhammaado.
25Calaamooyin ayaa laga arki doonaa qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha; dhulkana waxaa ku jiri doona dhib quruumahu ka welwelaan guuxa badda iyo hirarka aawadood.
26Dadkuna waxay la suuxi doonaan baqdin iyo filasho waxa dunida iman doona, waayo, xoogagga cirka ayaa la gariirin doonaa.
27Markaasay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruur ku imanaya, isagoo leh xoog iyo ammaan weyn.
28Laakiin goortii ay waxaasu bilaabaan inay dhacaan, kor eega, madaxyadiinnana kor u qaada, waayo, madaxfurashadiinnu waa dhow dahay.
29Markaasuu masaal kula hadlay, Bal eega berdaha iyo dhirta oo dhan;
30goortay caleemo bixiyaan waad arkaysaan oo garanaysaan inuu roobku haddaba dhow yahay.
31Sidaas oo kale idinkuna goortaad aragtaan waxaas oo dhacaya, garta in boqortooyadii Ilaah dhow dahay.
32Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay wax walba dhicin.
33Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.
34Laakiin iska jira, yaan qalbiyadiinnu la cuslaan dhereg badan iyo sakhraannimo iyo ka welwelidda ifkan, oo yaan maalintaasu idiin soo kedin sida dabin oo kale.
35Waayo, sidaas oo kale ayaa ku dhacaysa kulli kuwa dunida oo dhan jooga.
36Laakiin wakhti walbaba soo jeeda, idinkoo Ilaah baryaya inaad xoog yeelataan si aad uga baxsataan waxaas dhici doonaa oo dhan, oo aad Wiilka Aadanaha isu hor taagtaan.

37Maalin walba ayuu macbudka wax ku bari jiray, habeen walbana dibadda ayuu u bixi jiray, oo wuxuu baryi jiray buurta la odhan jiray Buur Saytuun.
38Dadka oo dhammuna aroortii ayay macbudka ugu iman jireen inay dhegaystaan.