Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - ISHACYAAH

ISHACYAAH 4

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Oo maalintaas toddoba naagood ayaa isku nin qabsan doona, oo waxay ku odhan doonaan, Annagaa ismasruufayna oo annagaa is-arrad tirayna, ee magacaaga keliya ha lanoogu yeedho, oo ceebtayada naga fogee.
2Oo maalintaas ayaa biqilka Rabbigu noqon doonaa wax qurux iyo ammaan badan, oo midhaha dhulkuna waxay kuwa reer binu Israa'iil oo baxsaday u noqon doonaan wax lagu faano oo quruxsan.
3Oo waxay noqon doontaa in kii Siyoon ku hadhay iyo kii Yeruusaalem sii joogay loogu yeedho quduus, xataa mid kasta oo ku qoran kuwa Yeruusaalem ku nool dhexdooda
4markii Sayidku maydho wasakhda dadka Siyoon, oo uu Yeruusaalem dhiiggeeda dhexdeeda kaga nadiifiyo ruuxa caddaaladda, iyo ruuxa wax guba.
5Oo meel kasta oo la deggan yahay oo Buur Siyoon ku taal, iyo shirarkeeda oo dhanba Rabbigu wuxuu ku kor abuuri doonaa maalintii daruur iyo qiiq, habeenkiina dab ololaya iftiinkiis, oo ammaanta oo dhanna waxaa ka sarrayn doona dabool.
6Oo maalinnimada waxaa jiri doona meel kulaylka laga hadhsado, iyo meel la galo, iyo meel laga dugsado duufaanka iyo roobka.