Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - GABAYGII SULAYMAAN - GABAYGII SULAYMAAN 8

GABAYGII SULAYMAAN 8:3-7

Help us?
Click on verse(s) to share them!
3Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosayn lahayd, Oo gacantiisa midigna way isku kay duubi lahayd.
4Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin, Ilaa uu doono.
5Waa tuma tan cidlada ka soo baxaysa, Ee gacaliyeheeda ku tiirsanu? Gacalisada Hadlaysaa Waxaan kaa soo kiciyey geed tufaax ah hoostiis. Halkaasaa hooyadaa kugu foolatay, Oo halkaasay tii ku dhashay kugu foolatay.
6Qalbigaaga korkiisa ii dhig sida shaabad oo kale, oo gacantaada korkeeda ii dhig sida shaabad oo kale, Waayo, jacaylku wuxuu u xoog badan yahay sida geeri oo kale, Oo masayrkuna wuxuu u nac weyn yahay sidii She'ool oo kale. Belbelkiisu waa sida belbel dab ah, Oo waa ololka ugu wada kulul ee Rabbiga.
7Biyo badanu jacayl ma demin karaan, Oo daadadkuna innaba ma qarqin karaan. Haddii nin damco inuu jacayl soo siisto maalka gurigiisa oo dhan, Haddana dhammaan waa la quudhsan lahaa.

Read GABAYGII SULAYMAAN 8GABAYGII SULAYMAAN 8
Compare GABAYGII SULAYMAAN 8:3-7GABAYGII SULAYMAAN 8:3-7