Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - GABAYGII SULAYMAAN - GABAYGII SULAYMAAN 7

GABAYGII SULAYMAAN 7:1-4

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Gabadha amiirku dhalayay, cagahaagu qurux badanaa markay kabo illan yihiin, Bowdooyinkaagu waa sida dahab Nin saanac ahu gacantiisa ku sameeyey.
2Xudduntaadu waa sida fijaan goobaaban Oo aan innaba khamri ka dhinnanayn, Oo xaluskaaguna waa sida sarreen meel tuunsan Oo ubaxshooshanno lagu wareejiyey.
3Labadaada naasna waa sida laba gibin Oo mataano ah oo cawl dhashay.
4Qoortaaduna waa sida munaarad foolmaroodi ah, Oo indhahaaguna waa sida ballidii Xeshboon oo ku ag yaal iridda Batrabbiim. Oo sankaaguna waa sida munaaradda Lubnaan Oo xagga Dimishaq u jeeda.

Read GABAYGII SULAYMAAN 7GABAYGII SULAYMAAN 7
Compare GABAYGII SULAYMAAN 7:1-4GABAYGII SULAYMAAN 7:1-4