1Sidaas daraaddeed walaalahayga aan jeclahay oo aan u xiisoonayow, idinku waxaad tihiin farxaddayda iyo taajkayga. Gacaliyayaalow, xagga Rabbiga saas ugu xoogaysta.
2Waxaan waaninayaa Yu'odiya, oo waxaan waaninayaa Suntukhee inay labadoodu xagga Rabbiga isku maan ahaadaan.
3Ka ila shaqeeya oo runta ahow, waxaan kaa baryayaa inaad dumarkaas caawiso, waayo, iyaga iyo Kaleemeentos iyo kuwa kaloo ila shaqeeyaba oo magacyadoodu ku qoran yihiin kitaabka nolosha, waxay iila dhibtoodeen injiilka aawadiis.
4Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa.
5Qabownimadiinna dadka oo dhammu ha ogaado, waayo, Rabbigu waa soo dhow yahay.
6Waxba ha ka welwelina, laakiinse wax kastaba baryadiinna Ilaah ku ogeysiiya tukasho iyo duco mahadnaqid la jirto.
7Oo nabadda Ilaah oo waxgarasho kasta ka sarraysa ayaa waxay qalbiyadiinna iyo fikirradiinna ku dhawri doontaa Ciise Masiix.
8Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Wax kasta oo run ah, iyo wax kasta oo sharaf leh, iyo wax kasta oo xaq ah, iyo wax kasta oo daahir ah, iyo wax kasta oo door ah, iyo wax kasta oo wanaag laga sheego, haddii wanaag ku jiro iyo haddii ammaanu ku jirto, waxyaalahan ka fiirsada.
9Idinku sameeya waxyaalihii aad barateen, oo aad hesheen, oo aad maqasheen, oo aad aniga igu aragteen; oo Ilaaha nabadduna wuu idinla jiri doonaa.
10Laakiin Rabbiga aad baan ugu faraxsanahay inaad haatan ugu dambaysta mar kale iga fikirteen; taas oo aad ka fikiri jirteen laakiin aad fursad u weydeen.
11Ka hadli maayo baahi, waayo, waxaan bartay inaan raalli ku ahaado hadba xaaladdii aan ku jiro.
12Waxaan aqaan saboolnimada, oo weliba waxaan aqaanna barwaaqada. Meel kasta iyo wax walba waxaan ku bartay dhergidda iyo gaajadaba, barwaaqada iyo baahidaba.
13Wax walba waan ku samayn karaa gargaarkiisa kan i xoogeeya.
14Habase yeeshee si wanaagsan baad yeesheen markaad dhibaatadayda ila qaybsateen.
15Idinka qudhiinnuba waad taqaaniin, reer Filiboyow, in injiilka bilowgiisii markii aan Makedoniya ka soo kacay aan kiniisaduna ila qaybsan waxa ku saabsan bixinta iyo helidda, idinkoo keliya mooyaane.
16Waayo, xataa markii aan Tesaloniika joogay, idinku mar iyo labaad ii soo dirteen wixii aan u baahnaa.
17Ma aha inaan hadiyad doonayo, laakiin waxaan doonayaa midhaha xaggiinna ku kordhaya.
18Laakiinse anigu wax kastaba waan haystaa, oo waan barwaaqaysanahay. Waan dheregsanahay, waayo, waxaan Ebafroditos ka helay wixii aad ii soo dirteen, kuwaas oo ah allabari Ilaah aqbali karo oo uu aad ugu farxo oo caraf udgoon leh.
19Ilaahaygu wuu idin siin doonaa wixii aad u baahan tihiin oo dhan, sida ay tahay hodantinimadiisa xagga ammaanta Ciise Masiix ku jirta.
20Haddaba ammaanu ha u ahaato Ilaaha Aabbeheenna ah weligiis iyo weligiis. Aamiin.
21Igu salaama mid kasta oo ka mid ah quduusiinta Ciise Masiix. Walaalaha ila joogaa way idin soo salaamayaan.
22Quduusiinta oo dhammu way idin soo salaamayaan, khusuusan kuwa guriga Kaysar jooga.
23Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha la jirto ruuxiinna.