Text copied!
Bibles in Somali

YOOXANAA 9:12-22 in Somali

Help us?

YOOXANAA 9:12-22 in Kitaabka Quduuska Ah

12 Kolkaasay waxay ku yidhaahdeen, Xaggee buu joogaa? Isaguse wuxuu ku yidhi, Ma ogi.
13 Markaasaa kii markii hore indhaha la'aa waxaa loo geeyey Farrisiintii.
14 Waxayna ahayd sabti maalintii Ciise dhoobada sameeyey oo indhihiisii furay.
15 Mar kale haddaba Farrisiintii waxay weyddiiyeen siduu araggiisa ku helay. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Dhoobuu indhahayga mariyey, oo aan maydhay, oo wax baan arkayaa.
16 Sidaa aawadeed Farrisiinta qaarkood waxay yidhaahdeen, Ninkan xaggii Ilaah kama iman, waayo, sabtida ma dhawro. Qaar kalese waxay yidhaahdeen, Sidee baa nin dembi leh calaamooyinkan oo kale u samayn karaa? Markaasay kala qaybsameen dhexdoodii.
17 Waxay haddaba ninkii indhaha la'aa ku yidhaahdeen, Maxaad ka leedahay isaga, waayo, waa kan indhahaaga furaye? Wuxuu ku yidhi, Waa nebi.
18 Sidaa aawadeed Yuhuuddu kama rumaysanin inuu indha la'aa, oo uu araggiisa helay, ilaa ay u yeedheen waalidkii kii araggiisa helay,
19 oo weyddiiyeen, iyagoo leh, Kanu ma wiilkiinnii baa aad leedihiin, Wuxuu ku dhashay indhala'aan? Sidee buu hadda wax ku arkaa?
20 Waalidkiis waxay haddaba ugu jawaabeen, Waannu garanaynaa kani inuu wiilkayagii yahay oo uu indhala'aan ku dhashay,
21 laakiin siduu hadda wax ku arko garan mayno, kii indhihiisii furayna garan mayno. Isaga weyddiiya. Waa nin weyn. Waa isu hadli doonaaye.
22 Waxyaalahaas waxay waalidkiis u yidhaahdeen, waayo, Yuhuudday ka baqeen. Maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay mar hore ku heshiiyeen in qof uun hadduu u qirto inuu yahay Masiixa, sunagogga laga saaro.
YOOXANAA 9 in Kitaabka Quduuska Ah