Text copied!
Bibles in Somali

YOOXANAA 7:28-52 in Somali

Help us?

YOOXANAA 7:28-52 in Kitaabka Quduuska Ah

28 Ciise haddaba macbudkuu ka dhex qayliyey isagoo wax baraya oo leh, Waad i taqaanniin, waana og tihiin meeshaan ka imid; anigu qudhayda kuma aan iman, laakiin kii i soo diray waa run, kan aydnaan garanaynin.
29 Anigu waa aqaan, waayo, isagaan ka imid, wuuna i soo diray.
30 Sidaa aawadeed waxay dooneen inay qabtaan, laakiin ninna faro ma uu saarin, waayo, saacaddiisii weli ma iman.
31 Laakiin qaar badan oo dadkii ahi way rumaysteen, waxayna yidhaahdeen, Masiixu markuu yimaado miyuu samayn doonaa calaamooyin ka badan kuwii kanu sameeyey?
32 Farrisiintu way maqleen dadkii badnaa oo ka gunuunacayay waxaas ku saabsanaa isaga, wadaaddadii sarena iyo Farrisiintii waxay u direen saraakiil inay soo qabtaan isaga.
33 Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Weli in yar baan idinla joogayaa, markaasaan u tegayaa kii i soo diray.
34 Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona iman kari maysaan.
35 Sidaa aawadeed Yuhuuddu waxay isku yidhaahdeen, Kanu xaggee buu tegi doonaa oo aynaan ka heli doonin? Ma wuxuu u tegi doonaa kuwa ku kala firidhsan dadka Gariigta ah, oo wax bari doonaa dadka Gariigta ah?
36 Waa maxay hadalkan uu yidhi? Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona ma iman kari doontaan.
37 Maalintii u dambaysay, oo ahayd maalintii weynayd ee iidda, Ciise ayaa istaagay oo qayliyey isagoo leh, Haddii qof uun harraado, ha ii yimaado, hana cabbo.
38 Kii i rumaysta, calooshiisa waxaa ka duuli doona webiyo biyaha nool ah, sida Qorniinku u yidhi.
39 Waxaas ayuu kaga hadlay Ruuxa oo ay kuwii isaga rumaystay heli doonaan, waayo, Ruuxa weli lama bixin, maxaa yeelay, Ciise weli ma ammaanmin.
40 Sidaa aawadeed dadkii badnaa qaarkood, goortay hadalladaas maqleen, waxay yidhaahdeen, Runtii kanu waa nebigii.
41 Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Kanu waa Masiixii. Qaarse waxay yidhaahdeen, Laakiin Masiixii ma wuxuu ka imanayaa Galili?
42 Qorniinku miyaanu odhan, Masiixu wuxuu ka iman doonaa farcanka Daa'uud iyo tuuladii Beytlaxam oo Daa'uud joogay?
43 Sidaa daraaddeed dadkii badnaa waa kala qaybsamay aawadiis.
44 Qaarkood baa doonay inay qabtaan, laakiinse ninna faro ma uu saarin.
45 Saraakiishii haddaba waxay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo Farrisiintii, iyaguna waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u keeni weydeen?
46 Saraakiishii waxay ugu jawaabeen, Ninna weligiis uma hadlin sida ninkaasi u hadlay.
47 Farrisiintii haddaba waxay iyaga ugu jawaabeen, Idinkana ma laydin khiyaaneeyey?
48 Miyaa taliyayaasha midkood ama Farrisiinta rumaystay isaga?
49 Laakiin dadkan badan oo aan sharciga garanaynin waa inkaaran yihiin.
50 Nikodemos (kii markii hore Ciise u yimid, isagoo ah midkood) wuxuu iyaga ku yidhi,
51 Miyaa sharcigeennu xukumaa nin, iyadoo aan marka hore laga maqlin isaga oo aan la garanaynin wuxuu sameeyo?
52 Kolkaasay u jawaabeen oo waxay ku yidhaahdeen, Adiguna ma reer Galili baad tahay? Doondoon, oo arag inaan nebi ka kacayn Galili.
YOOXANAA 7 in Kitaabka Quduuska Ah