Text copied!
Bibles in Somali

YOOXANAA 7:15-36 in Somali

Help us?

YOOXANAA 7:15-36 in Kitaabka Quduuska Ah

15 Sidaa aawadeed Yuhuuddii ayaa la yaabtay iyagoo leh, Sidee baa kanu qorniinka u yaqaan isagoo aan weligiis baran?
16 Ciise ayaa haddaba u jawaabay oo ku yidhi, Waxbariddaydu tayda ma aha, laakiin waxaa leh kan i soo diray.
17 Haddii nin doonayo inuu doonistii Ilaah sameeyo, wuu garan doonaa waxbaridda, inay tahay tii Ilaah amase aan qudhaydu iska hadlayo.
18 Kan qudhiisu iska hadlaa, ammaantiisuu doonaa, laakiin kan doona ammaanta kan soo diray, kaasaa run ah, oo xaqdarro kuma jirto.
19 Miyaan Muuse sharciga idin siin? Midkiinnana sharciga ma yeelo. Maxaad u doonaysaan inaad i dishaan?
20 Dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Jinni baad qabtaa. Yaa doonaya inuu ku dilo?
21 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Shuqul keliya ayaan sameeyey, kulligiinna waad la yaabteen.
22 Sidaa aawadeed Muuse wuxuu idin siiyey gudniinta (kamana iman Muuse, waxayse ka timid awowayaashii); idinku sabtida ayaad nin guddaan.
23 Haddii sabtida nin la gudo, si aan sharciga Muuse u jabin, ma waxaad iigu cadhoonaysaan nin aan dhammaantiis sabtidii bogsiiyey?
24 Aragtida waxba ha ku xukumina, laakiin ku xukuma xukunka xaqa ah.
25 Sidaa aawadeed qaar ka mid ah kuwa Yeruusaalem waxay yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn kay doonayaan inay dilaan?
26 Bal fiiriya, bayaan buu u hadlaa, waxbase kuma yidhaahdaan. Taliyayaashu runtii ma og yihiin inuu kanu yahay Masiixa?
27 Laakiin kani meeshuu ka yimid waannu og nahay, markuuse Masiixu yimaado, ninna garan maayo meeshuu ka imanayo.
28 Ciise haddaba macbudkuu ka dhex qayliyey isagoo wax baraya oo leh, Waad i taqaanniin, waana og tihiin meeshaan ka imid; anigu qudhayda kuma aan iman, laakiin kii i soo diray waa run, kan aydnaan garanaynin.
29 Anigu waa aqaan, waayo, isagaan ka imid, wuuna i soo diray.
30 Sidaa aawadeed waxay dooneen inay qabtaan, laakiin ninna faro ma uu saarin, waayo, saacaddiisii weli ma iman.
31 Laakiin qaar badan oo dadkii ahi way rumaysteen, waxayna yidhaahdeen, Masiixu markuu yimaado miyuu samayn doonaa calaamooyin ka badan kuwii kanu sameeyey?
32 Farrisiintu way maqleen dadkii badnaa oo ka gunuunacayay waxaas ku saabsanaa isaga, wadaaddadii sarena iyo Farrisiintii waxay u direen saraakiil inay soo qabtaan isaga.
33 Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Weli in yar baan idinla joogayaa, markaasaan u tegayaa kii i soo diray.
34 Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona iman kari maysaan.
35 Sidaa aawadeed Yuhuuddu waxay isku yidhaahdeen, Kanu xaggee buu tegi doonaa oo aynaan ka heli doonin? Ma wuxuu u tegi doonaa kuwa ku kala firidhsan dadka Gariigta ah, oo wax bari doonaa dadka Gariigta ah?
36 Waa maxay hadalkan uu yidhi? Waad i doondooni doontaan, imana heli doontaan, meeshaan joogona ma iman kari doontaan.
YOOXANAA 7 in Kitaabka Quduuska Ah