Text copied!
Bibles in Somali

YOOXANAA 7:1-9 in Somali

Help us?

YOOXANAA 7:1-9 in Kitaabka Quduuska Ah

1 Waxyaalahaas dabadeed Ciise ayaa Galili ku dhex wareegay, waayo, ma u doonaynin inuu Yahuudiya ku wareego, maxaa yeelay, Yuhuuddu waxay doonayeen inay dilaan.
2 Iiddii Yuhuudda oo tii waababka ahayd way dhowayd.
3 Walaalihiis haddaba waxay ku yidhaahdeen, Halkan ka bax oo Yahuudiya tag in xertaadiina aragto shuqullada aad samaynaysid.
4 Ma jiro nin si qarsoon wax u sameeyaa markuu doonayo in bayaan loo ogaado. Haddaad waxyaalahan samayso, dunida isu muuji.
5 Xataa walaalihiis ma ay rumaysan isaga.
6 Sidaa aawadeed Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Wakhtigaygu weli ma iman, laakiin wakhtigiinnu goor walba wuu joogaa.
7 Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin.
8 Idinku iidda u kaca, anigu iiddan weli u kici maayo, waayo, wakhtigaygu weli ma dhammaan.
9 Markuu waxyaalahaas iyagii ku yidhi, weli wuxuu sii joogay Galili.
YOOXANAA 7 in Kitaabka Quduuska Ah