Text copied!
Bibles in Somali

YOOXANAA 6:29-43 in Somali

Help us?

YOOXANAA 6:29-43 in Kitaabka Quduuska Ah

29 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kanu waa shuqulkii Ilaah inaad rumaysataan kii uu soo diray.
30 Sidaa darteed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba calaamadee baad samaynaysaa inaannu aragno oo ku rumaysanno? Maxaad, samaynaysaa?
31 Awowayaasheen waxay cidlada ku cuneen maannada sidii loo qoray, Wuxuu samada ka siiyey kibis ay cunaan.
32 Haddaba Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Muuse samada idinkama siin kibistii, laakiin Aabbahay baa samada idinka siiya kibista runta ah.
33 Waayo, kibista Ilaah waa kan samada ka soo degay oo dunida nolosha siiya.
34 Haddaba waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kibistan mar walba na sii.
35 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay kibista nolosha. Kii ii yimaadaa ma gaajoon doono, kii i rumaystaana ma harraadi doono weligiis.
36 Laakiin waxaan idiin sheegay inaad i aragteen, mase rumaysataan.
37 Dhammaan wuxuu Aabbuhu i siiyo way ii iman doonaan, oo kii ii yimaadana ma eryi doono.
38 Waayo, waxaan samada uga soo degay ma aha inaan doonistayda yeelo, laakiinse inaan yeelo doonista kii i soo diray.
39 Tanu waa doonistii kii i soo diray in kuwii uu dhammaan i siiyey aanan midna ka lumin, laakiin inaan maalinta u dambaysa soo sara kiciyo.
40 Waayo, tanu waa doonistii Aabbahay in mid kasta oo Wiilka arka oo rumaysta uu nolosha weligeed ah lahaado, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.
41 Sidaas aawadeed Yuhuuddu way gunuuneceen, maxaa yeelay, wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay kibista samada ka soo degtay.
42 Waxayna yidhaahdeen, Kanu miyaanu ahayn Ciise, ina Yuusuf, kaannu aabbihiis iyo hooyadiis naqaan? Hadda sidee buu u leeyahay, Samada baan ka soo degay?
43 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Ha ka gunuunecina dhexdiinna.
YOOXANAA 6 in Kitaabka Quduuska Ah