Text copied!
Bibles in Somali

YOOXANAA 4:18-33 in Somali

Help us?

YOOXANAA 4:18-33 in Kitaabka Quduuska Ah

18 Waayo, shan nin baad lahayd, kan aad haddeer haysatidna ninkaagii ma aha. Taas run baad ku sheegtay.
19 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waan gartay inaad nebi tahay.
20 Awowayaashayo buurtan ayay ku caabudi jireen, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Yeruusaalem waa meeshii la leeyahay in lagu caabudo.
21 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Naag yahay, i rumee, saacaddu waa imanaysaa markii aydnaan Aabbaha ku caabudi doonin ama buurtan ama Yeruusaalem midnaba.
22 Idinku waxaad caabuddaan waxaydnaan oqoon, annaguse waxaannu caabudnaa waxaannu naqaan, waayo, badbaadintu waxay ka timaadaa Yuhuudda.
23 Laakiin saacaddii baa imanaysa, waana joogtaa imminkada, markii caabudayaasha runta ihi ay Aabbaha ku caabudi doonaan ruuxa iyo runta, waayo, Aabbuhu wuxuu doonayaa caabudayaashaas oo kale.
24 Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta.
25 Naagtii waxay ku tidhi, Waa ogahay Masiixu inuu imanayo (kan Kiristoos la yidhaahdo); oo markuu yimaado, wax walba ayuu noo sheegi doonaa.
26 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigoo kula hadlaya ayaa ah isaga.
27 Isla markii waxaa timid xertiisii, wayna la yaabeen markay arkeen inuu naag la hadlayo. Weliba ninna ma odhan, Maxaad doonaysaa? amase, Maxaad ula hadlaysaa iyada?
28 Sidaa aawadeed naagtii ayaa ashuunkeedii ka tagtay, oo magaaladay u baxday, oo waxay ku tidhi dadkii,
29 Kaalaya oo arka ninkii ii sheegay wax walba oo aan sameeyey. Miyaanu kani ahayn Masiixa?
30 Markaasay magaaladii ka soo baxeen, wayna u imanayeen isagii.
31 Kolkaasay xertiisii baryeen iyagoo leh, Macallimow, wax cun.
32 Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Anigu waxaan haystaa cunto aan cuno oo aydnaan ogayn.
33 Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno?
YOOXANAA 4 in Kitaabka Quduuska Ah