Text copied!
Bibles in Somali

YOOXANAA 20:9-18 in Somali

Help us?

YOOXANAA 20:9-18 in Kitaabka Quduuska Ah

9 Waayo, weli Qorniinka ma ay garan inay tahay inuu kuwa dhintay ka soo sara kaco.
10 Haddaba xertii ayaa mar kale guryahoodii ku noqotay.
11 Laakiin Maryan ayaa xabaashii dibaddeeda taagnayd iyadoo ooyaysa. Haddaba intay ooyaysay bay xabaashii ku foororsatay.
12 Waxayna aragtay laba malaa'igood oo dhar cadcad xidhan oo fadhiya meesha meydka Ciise oolli jiray, mid madaxa, midna cagaha.
13 Oo waxay ku yidhaahdeen, Haweenay yahay, maxaad u ooyaysaa? Markaasay ku tidhi, Waxaan u ooyayaa, Sayidkaygii bay qaadeen, oo garanna maayo meeshay dhigeen.
14 Markay sidaa ku tidhi ayay dib u jeesatay oo ay aragtay Ciise oo taagan, mana ay garanaynin inuu Ciise yahay.
15 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Haweenay yahay, Maxaad u ooyaysaa? Kumaad doondoonaysaa? Iyadoo u malaynaysa inuu yahay ninkii beerta ka shaqaynayay waxay ku tidhi, Adeerow, haddaad isagii halkan ka qaadday, ii sheeg meeshaad dhigtay, anna waan ka soo qaadan doonaaye.
16 Ciise wuxuu ku yidhi, Maryamay. Markaasay jeesatay oo afka Cibraaniga ku tidhi, Rabbooni, ee ah Macallimow.
17 Ciise ayaa ku yidhi, Ha i taaban, waayo, weli kor uguma aan tegin Aabbaha, laakiin u tag walaalahay oo ku dheh, Wuxuu yidhi, Waxaan kor ugu tegayaa Aabbahay oo ah Aabbihiin, Ilaahay oo ah Ilaahiin.
18 Maryan tii reer Magdala ayaa timid oo xertii ku tidhi, Waxaan arkay Sayidkii, oo waxay u sheegtay inuu waxyaalahaas iyada ku yidhi.
YOOXANAA 20 in Kitaabka Quduuska Ah