Text copied!
Bibles in Somali

YOOXANAA 18:27-32 in Somali

Help us?

YOOXANAA 18:27-32 in Kitaabka Quduuska Ah

27 Haddaba Butros mar kale ayuu inkiray, oo markiiba diiqii baa ciyey.
28 Haddaba Ciise ayay ka kaxeeyeen Kayafas ilaa guriga taliyaha. Waxay ahayd aroortii hore, oo iyagu ma ay gelin guriga taliyaha si aanay u nijaasoobin, laakiinse inay cashadii Iidda Kormaridda wax ka cunaan.
29 Bilaatos haddaba ayaa u soo baxay iyagii oo ku yidhi, Maxaad ku ashtakaynaysaan ninkan?
30 Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Ninkanu haddaanu ahayn xumaanfale, kuuma aannu soo gacangelinneen.
31 Haddaba Bilaatos wuxuu ku yidhi, Idinku qaata, oo sharcigiinna ku xukuma. Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen, Xalaal nooma aha inaannu nin dillo,
32 inuu ahaado hadalkii Ciise ku hadlay kolkuu sheegay siduu u dhiman doono.
YOOXANAA 18 in Kitaabka Quduuska Ah