Text copied!
Bibles in Somali

YOOXANAA 17:9-12 in Somali

Help us?

YOOXANAA 17:9-12 in Kitaabka Quduuska Ah

9 Iyaga waan kuu baryayaa; kuu baryi maayo dunida, laakiin waxaan kuu baryayaa kuwaad i siisay, waayo, waa kuwaagii.
10 Waxayga oo dhan adaa leh, waxaagana anaa leh, iyagana waan ku ammaanmay.
11 Anigu dunida sii joogi maayo; kuwanuse duniday joogayaan, aniguna waan kuu imanayaa. Aabbe Quduusow, iyaga ku hay magacaagii aad i siisay, inay mid ahaadaan sideenna oo kale.
12 Intaan iyaga la jiray, waxaan iyaga ku hayay magacaagii aad i siisay, waanan ilaaliyey, midkoodna ma lumin, wiilka halaagga maahee, in Qorniinku ahaado.
YOOXANAA 17 in Kitaabka Quduuska Ah