Text copied!
Bibles in Somali

YOOXANAA 10:17-21 in Somali

Help us?

YOOXANAA 10:17-21 in Kitaabka Quduuska Ah

17 Sidaas daraaddeed Aabbuhu waa i jecel yahay, waayo, naftaydaan bixiyaa inaan mar kale qaato.
18 Ninna igama qaado, laakiin anaa iska bixiya. Waxaan leeyahay amar aan ku bixiyo, waanan leeyahay amar aan haddana ku soo qaato. Amarkan waxaan ka helay Aabbahay.
19 Yuhuuddu haddana way kala qaybsameen hadalladaas aawadood.
20 Badidood waxay yidhaahdeen, Jinni buu qabaa, wuuna waalan yahay, ee maxaad u maqlaysaan?
21 Qaar kale waxay yidhaahdeen, Hadalladaasu ma aha kuwa nin jinni qaba. Jinni miyuu indhaha u furi karaa nin indha la'?
YOOXANAA 10 in Kitaabka Quduuska Ah