Text copied!
Bibles in Somali

YASHUUCA 24:19-33 in Somali

Help us?

YASHUUCA 24:19-33 in Kitaabka Quduuska Ah

19 Markaasaa Yashuuca wuxuu dadkii ku yidhi, Rabbiga uma aad adeegi kartaan; waayo, isagu waa Ilaah quduus ah; oo waa Ilaah masayr ah, oo isagu idinkama cafiyi doono xadgudubkiinna iyo dembiyadiinna toona.
20 Oo markuu wax wanaagsan idiin sameeyo dabadeed, haddaad Rabbiga ka tagtaan, oo aad u adeegtaan ilaahyo qalaad, de markaas wuu soo jeesan doonaa oo wax xun buu idinku samayn doonaa, oo wuu idin baabbi'in doonaa.
21 Markaasaa dadkii waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Maya; laakiinse annagu Rabbiga waannu u adeegi doonnaa.
22 Yashuucana wuxuu dadkii ku yidhi, Idinka qudhiinnaa isku marag furaya inaad doorateen Rabbiga oo aad isaga u adeegaysaan. Kolkaasay yidhaahdeen, Annagaa ka marag ah.
23 Kolkaasuu yidhi, Haddaba iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo qalbigiinna u jeediya Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
24 Markaasaa dadkii waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu u adeegi doonnaa Rabbiga Ilaahayaga ah, oo weliba codkiisaannu maqli doonnaa.
25 Taas daraaddeed maalintaas ayaa Yashuuca dadkii axdi la dhigtay, oo Shekem buu ugu dejiyey qaynuun iyo amar.
26 Markaasaa Yashuuca erayadan ku qoray kitaabkii sharcigii Ilaah; oo dhagax weyn buu qaaday, oo wuxuu hoos qotonshay geedkii ku ag yiil taambuugga quduuskaa oo Rabbiga.
27 Yashuucana wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Bal ogaada, dhagaxanaa inagu marag furi doonee; waayo, wuxuu maqlay erayadii Rabbiga oo uu inagula hadlay oo dhan; sidaas daraaddeed wuxuu idinku noqon doonaa marag, si aydnaan Ilaahiinna u inkirin.
28 Markaasaa Yashuuca dadkii kala diray oo nin waluba wuxuu tegey dalkii dhaxalkiisa ahaa.
29 Oo taas dabadeed addoonkii Rabbiga oo ahaa Yashuuca ina Nuun ayaa dhintay, isagoo jira boqol iyo toban sannadood.
30 Oo waxay ku aaseen dalkii uu dhaxalka u helay oo ahaa Timnad Serah oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo xagga woqooyi ka xigta buurta Gacash.
31 Reer binu Israa'iilna Rabbigay u adeegi jireen waagii Yashuuca oo dhan, iyo waagii odayaashii ka nolol dambeeyey Yashuuca oo dhan, kuwaas oo ogaa kulli shuqulkii Rabbigu u sameeyey reer binu Israa'iil.
32 Oo lafihii Yuusuf oo reer binu Israa'iil ka soo saareen Masar, waxay ku aaseen Shekem taasoo ah dhulkii yaraa oo Yacquub ka iibsaday reer Xamoor oo ahaa Shekem aabbihiis oo uu ka siistay boqol gogo' oo lacag ah; oo meeshaasu waxay dhaxal u noqotay reer Yuusuf.
33 Oo Elecaasaar ina Haaruunna wuu dhintay, oo waxay isna ku aaseen buurtii wiilkiisa Fiinexaas oo isaga laga siiyey dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim.
YASHUUCA 24 in Kitaabka Quduuska Ah