Text copied!
Bibles in Somali

YASHUUCA 1:10-18 in Somali

Help us?

YASHUUCA 1:10-18 in Kitaabka Quduuska Ah

10 Markaasaa Yashuuca wuxuu amray saraakiishii dadka, oo ku yidhi,
11 Bal xerada dhex mara, oo waxaad dadka ku amartaan, oo ku tidhaahdaan, Saadkiinna diyaarsada, waayo, saddex maalmood waa inaad kaga gudubtaan webigan Urdun inaad gashaan oo hantidaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu hanti ahaan idiin siinayo.
12 Oo Yashuuca wuxuu la hadlay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo qabiilka reer Manaseh badhkiis, oo wuxuu ku yidhi,
13 Bal xusuusta eraygii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray isagoo leh, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa idin nasinayaa, oo wuxuu idin siin doonaa dalkan.
14 Dumarkiinna, iyo dhallaankiinna, iyo xoolihiinnuba waxay joogi doonaan dalkii Muuse idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa, laakiinse raggiinna xoogga leh oo hubka sita oo dhammu waa inay walaalahood ka hor gudbaan, oo ay caawiyaan iyaga,
15 ilaa Rabbigu walaalihiin nasiyo, siduu idinkaba idiin nasiyey, oo ay iyana hantiyaan dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga siinayo; oo markaasaad ku soo noqon doontaan dalkii hantidiinna, oo waad hantiyi doontaan dalkii addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa oo ah xagga qorrax ka soo baxa.
16 Markaasay Yashuuca ugu jawaabeen, Kulli wixii aad nagu amartay oo dhan waannu yeeli doonnaa, oo meel alla meeshii aad noo dirtoba waannu tegi doonnaa.
17 Oo sidii aannu Muuse wax walba uga dhegaysan jirnay ayaannu adigana kaaga dhegaysan doonnaa. Rabbiga Ilaahaaga ahu uun ha kula jiro siduu Muuse ula jiray oo kale.
18 Oo ku alla kii amarkaaga caasiya oo aan dhegaysan erayadaada iyo wax alla wixii aad ku amartid oo dhanba, kaas waa in la dilaa; laakiinse xoog yeelo oo aad u dhiirranow.
YASHUUCA 1 in Kitaabka Quduuska Ah