Text copied!
Bibles in Somali

YASHUUCA 15:17-33 in Somali

Help us?

YASHUUCA 15:17-33 in Kitaabka Quduuska Ah

17 Markaasaa magaaladii waxaa qabsaday Cotnii'eel oo ahaa ina Qenas kii Kaaleeb walaal u ahaa, markaasuu Caksaah u guuriyey.
18 Oo markay isagii u timid waxay ku deddejisay inuu aabbeheed beer weyddiisto: oo markay dameerkeedii ka soo degtay ayaa Kaaleeb ku yidhi, Maxaad doonaysaa?
19 Kolkaasay ku tidhi, Hadiyad i sii, waayo, waxaad i siisay dalka Koonfureed, weliba i sii ilo biyo ah. Markaasuu siiyey ilihii sare iyo ilihii hoose.
20 Intanu waa dhaxalkii ay reer Yahuudah heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen.
21 Oo qabiilkii reer Yahuudah magaalooyinkoodii ugu fogaa xagga soohdinta koonfureed oo Edom waxay ahaayeen Qabse'eel, iyo Ceeder, iyo Yaaguur,
22 iyo Qiinaah, iyo Diimoonaah, iyo Cadcaadaah,
23 iyo Qedesh, iyo Xaasoor, iyo Itnaan,
24 iyo Siif, iyo Telem, iyo Becaalood,
25 iyo Xaasoor Xadataah, iyo Qiryood Xesroon (oo taasuna waa Xaasoor qudheeda),
26 iyo Amaam, iyo Shemac, iyo Molaadaah,
27 iyo Xasar Gaddaah, iyo Xeshmoon, iyo Beytfeled,
28 iyo Xasar Shuucaal, iyo Bi'ir Shebac, iyo Bisyootiyaah,
29 iyo Bacalaah, iyo Ciyiim, iyo Cesem,
30 iyo Eltoolad, iyo Kesiil, iyo Xormaah,
31 iyo Siiqlag, iyo Madmannaah, iyo Sansannaah,
32 iyo Lebaa'ood, iyo Shilxiim, iyo Cayn, iyo Rimmon, oo magaalooyinka oo dhan iyo tuulooyinkooduba waa sagaal iyo labaatan.
33 Oo dalka dooxadana waxay ku lahaayeen Eshtaa'ool, iyo Sorcaah, iyo Ashnaah,
YASHUUCA 15 in Kitaabka Quduuska Ah