Text copied!
Bibles in Somali

YASHUUCA 15:14-25 in Somali

Help us?

YASHUUCA 15:14-25 in Kitaabka Quduuska Ah

14 Oo Kaaleebna halkaas wuxuu ka eryay saddexdii wiil oo Canaaq, kuwaasoo ahaa Sheeshay, iyo Axiiman, iyo Talmay, oo ahaa ilma Canaaq.
15 Oo halkaasuu ka tegey oo la diriray dadkii Debiir degganaa; oo waagii hore Debiir magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Sefer.
16 Oo Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii Qiryad Sefer intuu wax ku dhufta qabsada, waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.
17 Markaasaa magaaladii waxaa qabsaday Cotnii'eel oo ahaa ina Qenas kii Kaaleeb walaal u ahaa, markaasuu Caksaah u guuriyey.
18 Oo markay isagii u timid waxay ku deddejisay inuu aabbeheed beer weyddiisto: oo markay dameerkeedii ka soo degtay ayaa Kaaleeb ku yidhi, Maxaad doonaysaa?
19 Kolkaasay ku tidhi, Hadiyad i sii, waayo, waxaad i siisay dalka Koonfureed, weliba i sii ilo biyo ah. Markaasuu siiyey ilihii sare iyo ilihii hoose.
20 Intanu waa dhaxalkii ay reer Yahuudah heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen.
21 Oo qabiilkii reer Yahuudah magaalooyinkoodii ugu fogaa xagga soohdinta koonfureed oo Edom waxay ahaayeen Qabse'eel, iyo Ceeder, iyo Yaaguur,
22 iyo Qiinaah, iyo Diimoonaah, iyo Cadcaadaah,
23 iyo Qedesh, iyo Xaasoor, iyo Itnaan,
24 iyo Siif, iyo Telem, iyo Becaalood,
25 iyo Xaasoor Xadataah, iyo Qiryood Xesroon (oo taasuna waa Xaasoor qudheeda),
YASHUUCA 15 in Kitaabka Quduuska Ah