Text copied!
Bibles in Somali

YASHUUCA 11:11-14 in Somali

Help us?

YASHUUCA 11:11-14 in Kitaabka Quduuska Ah

11 Oo dadkii ku jiray oo dhan waxay ku laayeen seef, wayna wada baabbi'iyeen; oo wax neefsadaa kuma hadhin, Xaasoorna dab buu ku gubay.
12 Oo Yashuuca wuxuu wada qabsaday boqorradaas magaalooyinkoodii oo dhan, iyo boqorradoodii oo dhan, oo wuxuu ku wada laayay seef, oo wuu wada baabbi'iyey; sidii uu addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray.
13 Laakiinse reer binu Israa'iil waxba kama gubin magaalooyinkii buurahoodii ku yiil, Xaasoor mooyaane, taasna waxaa gubay Yashuuca.
14 Oo magaalooyinkaas alaabtoodii oo dhan iyo xoolahoodii oo dhanba reer binu Israa'iil way dhaceen, laakiinse nin kasta waxay ku dileen seef ilaa ay wada baabbi'iyeen, oo waxba kama ay reebin intii neefsatay oo dhan.
YASHUUCA 11 in Kitaabka Quduuska Ah