Text copied!
Bibles in Somali

XAAKINNADA 5:4-23 in Somali

Help us?

XAAKINNADA 5:4-23 in Kitaabka Quduuska Ah

4 Rabbiyow, markaad Seciir ka baxday, Iyo markaad ku socotay berrinkii Edom, Ayaa dhulku gariiray, oo samadiina waa soo da'day, Daruurihiina biyay soo daadsheen.
5 Buurihiina way u gariireen Rabbiga aawadiis, Xataa Siinaydaasu way u gariirtay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil aawadiis.
6 Wakhtigii Shamgar ina Canaad, Iyo wakhtigii Yaaceel, jidadka waaweynu cidlay ahaayeen, Oo socotooyinkuna waxay mari jireen waddooyin qalqalloocan.
7 Taliyayaashu way ka joogsadeen reer binu Israa'iil, Way joogsadeen ilaa aan anigoo Debooraah ahu kacay, Ilaa aan kacay anigoo reer binu Israa'iil hooyo u ah.
8 Waxay doorteen ilaahyo cusub; Oo markaasaa dagaal irdaha ka dhacay. Afartan kun oo reer binu Israa'iil Ma lagu arkay gaashaan ama waran?
9 Qalbigaygu wuxuu la jiraa taliyayaasha reer binu Israa'iil, Kuwaasoo iyagoo oggol isku bixiyey dadka dhexdiisa. Rabbiga ammaana.
10 Bal taas ka warama kuwiinna dameerraha cadcad fuushan, Iyo kuwiinna ku fadhiya gogosha wanaagsan, Iyo kuwiinna jidka marow.
11 Meelaha biyaha laga dhaansado, oo ka fog qaylada qaansoleyda, Halkaasay ka maqashiin doonaan falimihii Rabbiga oo xaqa ahaa, Kuwaas oo ahaa falimihii xaqa ahaa oo uu ku xukumay reer binu Israa'iil. Taas ka dibna dadkii Rabbigu waxay tageen xagga irdaha.
12 Toos, toos, Debooraahoy; Toos, toos, oo gabay ku gabay; Baaraaqow, kac, oo kaxayso maxaabiistaada, ina Abiinocamow.
13 Markaasay raggii gobta ahaa intiisii hadhay iyo dadkii soo degeen; Rabbigu waa ii yimid oo wuxuu iiga hiiliyey kuwii xoogga badnaa.
14 Reer Efrayim waxaa ka soo baxay kuwo xididkoodii yahay Camaaleq; Dabadeedna, adiga reer Benyaamiinow, iyo dadkaaga kugu dhex jira, Oo reer Maakiirna waxaa ka soo baxay taliyayaal, Reer Sebulunna waxaa ka yimid kuwo haya usha sirkaalka wax qora.
15 Oo amiirradii reer Isaakaarna waxay la jireen Debooraah; Oo sidii reer Isaakaar ahaa ayaa Baaraaqna ahaa; Oo xagga dooxada ayay u ordeen iyagoo daba socda. Oo biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa Wax weyn baa lagu goostay.
16 Maxaad xeryaha idaha u fadhiday, Inaad maqasho biilbiilaha idaha u yeedhaya? Biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa Aad baa qalbiyo loogu baadhay.
17 Gilecaad wuxuu joogay Urdun shishadiisa; Reer Daanna muxuu doonniyaha ugu hadhay? Reer Aasheer wuxuu weli fadhiyey xeebta badda, Oo wuxuu ag joogay durdurradiisa.
18 Reer Sebulun wuxuu ahaa dad geerida isku biimeeyey, Reer Naftaalina wuxuu isku biimeeyey meelaha dhaadheer oo duurka.
19 Boqorradii waa yimaadeen oo dirireen, Dabadeedna boqorradii reer Kancaanna waxay ku dirireen Tacanaag taas oo u dhow biyaha Megiddoo: Oo lacag faa'iido ah ma ay qaadan.
20 Waxay kala dirireen xagga samada, Xiddiguhuna meeshooday Siiseraa kala dirireen.
21 Oo waxaa qaaday Webi Qiishoon, Webiga duqa ah oo Qiishoon la yidhaahdo. Naftaydoy, adigoo xoog leh hore u soco.
22 Markaasay farduhu qoobabkoodii dhulka ku garaacayeen, Maxaa yeelay, kuwoodii xoogga badnaa ayaa socod doonayay.
23 Oo malaa'igtii Rabbigu waxay tidhi, Meeroos habaara, Oo aad u habaara dadka deggan, Maxaa yeelay, uma ay iman inay Rabbiga caawiyaan Oo ay uga hiiliyaan kuwa xoogga badan.
XAAKINNADA 5 in Kitaabka Quduuska Ah