Text copied!
Bibles in Somali

XAAKINNADA 18:17-31 in Somali

Help us?

XAAKINNADA 18:17-31 in Kitaabka Quduuska Ah

17 Markaasay shantii nin oo dalka soo basaastay yimaadeen oo gudaha galeen, oo waxay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay; oo wadaadkiina wuxuu iridda laga soo galo isla taagay lixdii boqol oo nin ee xidhnayd hubka dagaalka.
18 Oo kuwaasu markay galeen gurigii Miikaah, oo ay soo qaateen sanamkii xardhanaa, iyo eefodkii, iyo teraafiimkii, iyo sanamkii la shubay, ayuu wadaadkii ku yidhi, War maxaad samaynaysaan?
19 Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, Iska aamus, oo gacanta afka saar, ee haddaba na soo raac, oo noo noqo aabbe iyo wadaad; bal kee baa kuu roon, inaad nin keliya reerkiis wadaad u ahaatid, iyo inaad wadaad u ahaatid qabiil iyo jilib reer binu Israa'iil ka mid ah?
20 Markaasuu wadaadkii qalbiga ka farxay, oo qaaday eefodkii iyo teraafiimkii, iyo sanamkii xardhanaa, oo wuxuu dhex galay dadka.
21 Markaasay noqdeen oo tageen, oo waxay iska horraysiiyeen dhallaankii, iyo xoolihii iyo alaabtii.
22 Oo markay ka fogaadeen gurigii Miikaah ayaa raggii joogay guryihii u dhowaa gurigii Miikaah soo wada ururay, oo waxay gaadheen reer Daan.
23 Oo waxay u dhawaaqeen reer Daan. Iyana intay ku soo jeesteen ayay Miikaah ku yidhaahdeen, War maxaa kaa qaylisiinaya oo aad guutada caynkan ah u soo kaxaysatay?
24 Isna wuxuu yidhi, Waxaad iga qaadateen ilaahyadaydii aan sameeyey, iyo wadaadkaygii, oo waad tagteen, haddaba maxaan kaloo haystaa? Haddaba sidee baad ii leedihiin, War maxaa kaa qaylisiinaya?
25 Markaasay reer Daan ku yidhaahdeen, War hoy, codkaaga yaan dhexdayada laga maqlin, waaba intaasoo ay ragga cadhaysanu ku dilaan, oo aad weydaa naftaada iyo nafta reerkaagaba.
26 Markaasay reer Daan iska tageen. Oo Miikaahna markuu arkay inay aad uga xoog badan yihiin ayuu iska noqday oo gurigiisii tegey.
27 Oo iyana waxay la tageen wixii Miikaah sameeyey, iyo wadaadkiisii, markaasay yimaadeen Layish, iyo dad xasilloon oo ammaan u fadhiya, oo waxay ku laayeen seef; oo magaaladiina dab bay ku gubeen.
28 Oo badbaadiyena ma ay lahayn, maxaa yeelay, Siidoon way ka fogayd, oo ninnaba lama ay macaamiloon jirin; oo waxay ku tiil dooxada u dhow Beytrexob. Oo iyana intay magaaladii dhiseen ayay degeen.
29 Oo magaaladii magaceediina waxay u bixiyeen Daan, oo waxay ku sammiyeen magicii awowgood Daan, kii u dhashay Israa'iil; habase yeeshee magaalada magaceedu wuxuu markii hore ahaa Layish.
30 Markaasay reer Daan qotonsadeen sanamkii xardhanaa; oo Yoonaataan oo ahaa ina Gershoom oo ina Muuse ahaa iyo wiilashiisiiba waxay wadaaddo u ahaayeen qabiilkii reer Daan ilaa wakhtigii dalka la qabsaday.
31 Oo waxay qotonsadeen sanamkii xardhanaa oo Miikaah sameeyey, oo intii guriga Ilaah Shiiloh ku yiil oo dhan ayuu oolli jiray.
XAAKINNADA 18 in Kitaabka Quduuska Ah