Text copied!
Bibles in Somali

WACDIYAHII 5:7-13 in Somali

Help us?

WACDIYAHII 5:7-13 in Kitaabka Quduuska Ah

7 Waayo, riyooyin iyo erayo fara badanba waxaa ku jira wax badan oo aan waxtar lahayn, laakiinse adigu Ilaah ka cabso.
8 Haddaad gobol ku aragtid masaakiin la dulmayo, iyo garsoorid iyo caddaalad si xoog leh loo qalloocinayo, waxaas ha la yaabin, waayo, kan sare mid ka sii sarreeya ayaa eegaya, oo weliba waxaa jira kuwa ka sii sarreeya iyaga.
9 Dhulka faa'iidadiisu kulli way ka dhexaysaa, waayo, boqorka qudhiisaba waxaa looga adeegaa beerta.
10 Kii lacag jecelu lacag kama dhergi doono, oo kii maal badan jeceluna faa'iido kama dhergi doono, taasuna waa wax aan waxba tarayn.
11 Markii maalku bato kuwa cunaana way sii bataan. Maalku bal muxuu kan leh u taraa inuu indhihiisa ku fiiriyo mooyaane?
12 Ninkii hawshooda hurdadiisu waa u macaan tahay, hadduu wax yar cuno iyo hadduu wax badan cunoba, laakiinse taajirka maalkiisa badanu hurdaduu u diidaa.
13 Waxaa jira wax shar ah oo aad u xun oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waana maal badan oo uu kan lahu sii haysto oo uu waxyeello uun isu keeno.
WACDIYAHII 5 in Kitaabka Quduuska Ah