Text copied!
Bibles in Somali

WACDIYAHII 1:2-13 in Somali

Help us?

WACDIYAHII 1:2-13 in Kitaabka Quduuska Ah

2 Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.
3 Bal maxaa faa'iido ah oo nin ka hela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan?
4 Qarni baa taga, oo qarni kalena wuu yimaadaa, laakiinse dhulku weligiisba wuu waaraa.
5 Oo qorraxduna way soo baxdaa, oo haddana way dhacdaa, oo waxay ku degdegtaa meeshii ay ka soo baxdo.
6 Dabayshu waxay tagtaa xagga koonfureed, oo haddana waxay u soo rogmataa xagga woqooyi, oo had iyo goorba way wareegtaa, oo dabayshu waxay ku soo noqotaa wareeggeedii.
7 Webiyaasha oo dhammu waxay ku shubmaan badda, oo weli badduna ma buuxsanto, oo webiyaashu meeshii ay ku socdaan ayay haddana ku sii socdaan.
8 Wax kastaaba waa daal miidhan, dadku ma sheegi karo innaba. Ishu wax arag kama dheregto, dhegtuna waxmaqlid kama buuxsanto.
9 Wixii hore u jiri jiray waa waxa dibna u jiri doona, oo wixii la sameeyeyna waa waxa hadda ka dib la samayn doono, oo inta qorraxda ka hoosaysana wax cusub laguma arko.
10 Miyey jiraan wax la odhan karo, Bal eeg, waxanu waa cusub yihiine? Way jiri jireen tan iyo waayihii inaga horreeyey.
11 Waxyaalihii hore lama xusuusto, oo waxyaalaha iman doonana innaba laguma xusuusan doono kuwa dabadeed iman doona.
12 Anigan wacdiyaha ahu boqor baan reer binu Israa'iil ugu ahaa Yeruusaalem.
13 Oo waxaan qalbigayga oo dhan u soo jeedshay inaan doono oo xigmad ku baadho waxyaalaha samada hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Dhibaatadan kulul ayaa Ilaah binu-aadmigu u siiyey inay ku hawshoodaan.
WACDIYAHII 1 in Kitaabka Quduuska Ah