Text copied!
Bibles in Somali

TIRINTII 22:2-12 in Somali

Help us?

TIRINTII 22:2-12 in Kitaabka Quduuska Ah

2 Oo Baalaaq ina Sifoor wuxuu arkay kulli wixii ay reer binu Israa'iil ku sameeyeen reer Amor.
3 Oo reer Moo'aab dadka bay ka cabsadeen, maxaa yeelay, iyagu aad bay u badnaayeen, oo reer Moo'aab aad iyo aad bay u welweleen reer binu Israa'iil aawadood.
4 Markaasaa reer Moo'aab waxay ku yidhaahdeen odayaashii reer Midyaan, Sida dibi u dhammaysto cawska berrinka ayaa dadkan faraha badanu waxa hareerahayaga ku wareegsan oo dhan u dhammaysanayaan. Oo wakhtigaas waxaa reer Moo'aab boqor u ahaa Baalaaq ina Sifoor.
5 Oo wargeeyayaal buu u diray Balcaam ina Becoor oo joogay Fetoor oo Webiga ku ag taal oo ah dalkii dadkiisa si ay ugu yeedhaan oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, halkan waxaa jooga dad Masar ka yimid, oo dhulkii oo dhan way qarinayaan, oo waxay deggan yihiin hortayda.
6 Haddaba waan ku baryayaaye kaalay oo dadkan ii habaar, waayo, way iga xoog badan yihiin, oo mindhaa waan ka adkaanayaa si aannu ugu layno, oo dalka uga erinno, waayo, waan ogahay in kii aad u ducaysaa wuu ducaysan yahay, kii aad habaartaana wuu habaaran yahay.
7 Markaasaa odayaashii reer Moo'aab iyo odayaashii reer Midyaan waxay gacantooda ku qaadeen abaalgudkii habaaridda, oo waxay u tageen Balcaam, oo isagay kula hadleen erayadii Baalaaq.
8 Oo isna wuxuu ku yidhi iyagii, Caawa halkan ku barya oo anna war dambaan idiinka keenayaa wixii Rabbigu igula hadlo. Markaasay amiirradii reer Moo'aab la hoydeen Balcaam.
9 Markaasaa Ilaah Balcaam u yimid, oo wuxuu ku yidhi, War nimanka kula joogaa yay yihiin?
10 Markaasaa Balcaam wuxuu Ilaah ku yidhi, Baalaaq ina Sifoor oo ah boqorkii reer Moo'aab ayaa ii soo diray oo yidhi,
11 Bal eeg, dadka Masar ka yimid waxay qarinayaan dhulka oo dhan, haddaba kaalay oo ii habaar, oo mindhaa waan karayaa inaan iyaga la diriro oo aan eryado.
12 Markaasaa Rabbigu wuxuu Balcaam ku yidhi, Waa inaanad iyaga raacin, oo waa inaanad dadka habaarin, waayo, iyagu waa barakaysan yihiin.
TIRINTII 22 in Kitaabka Quduuska Ah