Text copied!
Bibles in Somali

TIRINTII 18:20-24 in Somali

Help us?

TIRINTII 18:20-24 in Kitaabka Quduuska Ah

20 Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adigu dalkooda dhaxal kuma lahaan doonto, oo dhexdoodana innaba qayb kuma yeelan doonto. Aniga ayaa reer binu Israa'iil dhexdooda ku ah qaybtaadii iyo dhaxalkaagiiba.
21 Oo bal eeg, reer Laawina waxaan dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil oo dhan bixiyaan; taasu waa hawshooda ay qabtaan abaalgudkeedii, taasoo ah hawsha teendhada shirka.
22 Oo hadda ka dib waa inaan reer binu Israa'iil u soo dhowaan teendhada shirka yaanay dembi qaadine oo dhimane.
23 Laakiinse reer Laawi waa inay teendhada shirka ka adeegaan, oo ay dembigooda qaadaan: oo taasu waa inay idiin ahaataa qaynuun weligiin ab ka ab ah, oo iyagu reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma yeelan doonaan.
24 Waayo, waxaan reer Laawi dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil Rabbiga ugu bixiyaan qurbaan sare loo qaado, oo sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku idhi, Reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma lahaan doontaan.
TIRINTII 18 in Kitaabka Quduuska Ah