Text copied!
Bibles in Somali

TIRINTII 15:19-27 in Somali

Help us?

TIRINTII 15:19-27 in Kitaabka Quduuska Ah

19 oo aad dalka cuntadiisa cuntaan waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan sare loo qaado.
20 Cajiinkiinna ugu horreeya waa inaad ka bixisaan moofo ah qurbaan sare loo qaado, oo waa inaad taas sare u qaaddaan sidaad sare ugu qaaddaan qurbaanka hadhuudhka ee laga qaado meesha hadhuudhka lagu tumo.
21 Oo cajiinkiinna ugu horreeya waa inaad Rabbiga uga bixisaan qurbaan sare loo qaado tan iyo ab ka ab.
22 Oo markaad qaldantaan oo aydaan wada xajin amarradan oo dhan oo uu Rabbigu Muuse kula hadlay,
23 xataa wixii uu Rabbigu Muuse idinkaga amray oo dhan tan iyo maalintii Rabbigu amarka bixiyey ilaa tan iyo ab ka ab,
24 markaas haddii qaladkii kama' loo sameeyey iyadoo aan shirku ogayn, shirka oo dhammu waa inay qurbaan la gubo aawadiis dibi yar Rabbiga ugu bixiyaan caraf udgoon, isaga iyo qurbaankiisii hadhuudhka, iyo qurbaankiisii cabniinka, iyo orgi ah qurbaanka dembiga, oo ha loo bixiyo sida qaynuunku leeyahay.
25 Oo shirka reer binu Israa'iil oo dhan waa in wadaadku u kafaaro gudaa, oo markaas iyaga waa la cafiyayaa, maxaa yeelay, waxay ahayd qalad kama' loo sameeyey, oo iyana waxay qaladkoodii u keeneen qurbaankoodii kaas oo ahaa qurbaan dab loogu sameeyey Rabbiga, iyo qurbaankii dembigooda Rabbiga hortiisa loogu bixiyey.
26 Oo shirka reer binu Israa'iil oo dhan iyo shisheeyaha iyaga dhex degganba waa la cafiyi doonaa, waayo, qaladkaas dadka oo dhammu kama' bay u sameeyeen.
27 Oo haddii qof keliya kama' u dembaabo, isagu waa inuu qurbaanka dembiga u bixiyaa ceesaan gu jir ah.
TIRINTII 15 in Kitaabka Quduuska Ah