Text copied!
Bibles in Somali

TIRINTII 15:11-20 in Somali

Help us?

TIRINTII 15:11-20 in Kitaabka Quduuska Ah

11 Oo sidaas ha loo sameeyo dibi kasta, ama wan kasta oo weyn, ama wan kasta oo yar, ama orgi kasta oo yar.
12 Intaad diyaarisaan sida tiradu tahay mid kasta u sameeya.
13 Inta waddaniga ah oo dhammu waxyaalahan sidaas ha u sameeyeen markay bixinayaan qurbaan dab lagu sameeyo oo caraf udgoon Rabbiga u ah.
14 Oo haddii shisheeye idinla deggan yahay ama mid kasta oo idin dhex jooga qarniyadiinna oo dhan, hadduu doonayo inuu qurbaan dab lagu sameeyo Rabbiga ugu bixiyo caraf udgoon, sidaad idinku yeeshaan isna waa inuu yeelaa.
15 Oo ururkiinna oo dhammu waa inaad idinka iyo shisheeyaha idinla degganu lahaataan qaynuun keliya, kaas oo ahaanaya qaynuun ab ka ab. Waayo, sidaad idinku tihiin, shisheeyuhuna waa inuu Rabbiga hortiisa sidaas oo kale ku ahaadaa.
16 Oo idinka iyo shisheeyihii idinla degganuba waa inaad lahaataan isku sharci iyo isku qaynuun.
17 Markaasaa Rabbigu haddana Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
18 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Dalka aan idin geeynayo markaad gaadhaan,
19 oo aad dalka cuntadiisa cuntaan waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan sare loo qaado.
20 Cajiinkiinna ugu horreeya waa inaad ka bixisaan moofo ah qurbaan sare loo qaado, oo waa inaad taas sare u qaaddaan sidaad sare ugu qaaddaan qurbaanka hadhuudhka ee laga qaado meesha hadhuudhka lagu tumo.
TIRINTII 15 in Kitaabka Quduuska Ah