Text copied!
Bibles in Somali

TIRINTII 12:9-13 in Somali

Help us?

TIRINTII 12:9-13 in Kitaabka Quduuska Ah

9 Markaasaa Rabbigu iyagii aad ugu cadhooday, wuuna ka tegey.
10 Oo daruurtiina way ka tagtay teendhada korkeedii; oo Maryanna waxaa ku dhacay baras, oo waxay u caddaatay sida barafka cad oo kale. Markaasaa Haaruun fiiriyey Maryan oo wuxuu arkay inay baras qabto.
11 Markaasaa Haaruun Muuse ku yidhi, Sayidkaygiiyow, waan ku baryayaaye, wixii aannu nacasnimada u samaynay iyo wixii aannu ku dembaabnay aawadood dembi ha noo saarin.
12 Waan ku baryayaaye, yaanay ahaan sidii mid dhintay oo kale oo jidhkiisii badh baabba'san yahay markuu uurkii hooyadiis ka soo baxay.
13 Markaasaa Muuse Rabbiga u qayliyey, oo wuxuu ku yidhi, Ilaahow, waan ku baryayaaye, iyada bogsii.
TIRINTII 12 in Kitaabka Quduuska Ah