Text copied!
Bibles in Somali

TIRINTII 12:8-15 in Somali

Help us?

TIRINTII 12:8-15 in Kitaabka Quduuska Ah

8 Isaga bayaan baan afkayga ugula hadlayaa, oo hadal gudcur ah kula hadli maayo, oo wuxuu arki doonaa Rabbiga qaabkiisa. Haddaba maxaad uga cabsan weydeen inaad addoonkayga Muuse wax ka sheegtaan?
9 Markaasaa Rabbigu iyagii aad ugu cadhooday, wuuna ka tegey.
10 Oo daruurtiina way ka tagtay teendhada korkeedii; oo Maryanna waxaa ku dhacay baras, oo waxay u caddaatay sida barafka cad oo kale. Markaasaa Haaruun fiiriyey Maryan oo wuxuu arkay inay baras qabto.
11 Markaasaa Haaruun Muuse ku yidhi, Sayidkaygiiyow, waan ku baryayaaye, wixii aannu nacasnimada u samaynay iyo wixii aannu ku dembaabnay aawadood dembi ha noo saarin.
12 Waan ku baryayaaye, yaanay ahaan sidii mid dhintay oo kale oo jidhkiisii badh baabba'san yahay markuu uurkii hooyadiis ka soo baxay.
13 Markaasaa Muuse Rabbiga u qayliyey, oo wuxuu ku yidhi, Ilaahow, waan ku baryayaaye, iyada bogsii.
14 Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Haddii aabbeheed wejiga kaga candhuufo sow ma ay ceebowdeen intii toddoba maalmood ah? Haddaba xerada ha laga saaro intii toddoba maalmood ah, oo markaas dabadeedna ha la soo celiyo.
15 Kolkaasaa Maryan xerada dibadda looga xidhay, oo dadkiina ma guurin ilamaa Maryan mar kale la soo celiyey.
TIRINTII 12 in Kitaabka Quduuska Ah