Text copied!
Bibles in Somali

TIRINTII 10:6-26 in Somali

Help us?

TIRINTII 10:6-26 in Kitaabka Quduuska Ah

6 Oo haddana markaad turumbada digtoonaanta afuuftaan mar labaad, xerooyinka xagga koonfureed degganu ha guureen; oo waa inay afuufaan turumbo digtoonaaneed guuriddooda aawadeed.
7 Laakiinse markii shirka laysu soo ururinayo waa inaad turumbada afuuftaan, laakiinse tan digtoonaanta ha ka dhawaajinina.
8 Oo wadaaddada ah wiilasha Haaruun waa inay turumbooyinka afuufaan, oo iyagu waa inay idiin ahaadaan qaynuun tan iyo qarniyadiinna oo dhan.
9 Oo markaad waddankiinna dhexdiisa dagaal ugu baxaysaan cadowgiinna idin cadaadiya waa inaad digtoonaan kaga dhawaajisaan turumbooyinka, oo markaasuu Rabbiga Ilaahiinna ahu idin xusuusan doonaa, oo cadaawayaashiinna ayaa laydinka badbaadin doonaa.
10 Oo weliba maalintii aad faraxdaan, iyo markaad iidihiinna la amray dhawrtaan, iyo markay bilaha idiin dhashaan, waa inaad turumbooyinka ku dul dhawaajisaan qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryada qurbaannadiina nabaadiinada ah, oo iyana xusuus bay idiinku noqon doonaan Ilaahiinna hortiisa, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
11 Sannaddii labaad, bisheedii labaad, maalinteedii labaatanaad ayaa daruurtii laga qaaday taambuuggii maragga korkiisa.
12 Oo markaasay reer binu Israa'iil cidlada Siinay uga guureen sida sodcaalkoodii loo amray, oo daruurtiina waxay degtay cidladii Faaraan.
13 Oo iyana markii hore waxay sodcaalkoodii ku bilaabeen amarkii Rabbigu u soo dhiibay Muuse.
14 Oo horta waxaa baxay calankii xeradii reer Yahuudah siday ciidammadoodu ahaayeen. Oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Naxshoon ina Cammiinaadaab.
15 Oo qabiilka reer Isaakaar ciidankoodana waxaa u sarreeyey Netaneel ina Suucaar.
16 Oo qabiilka reer Sebulun ciidankoodana waxaa u sarreeyey Elii'aab ina Xeelon.
17 Markaasaa taambuuggii la furay oo reer Gershoon iyo reer Meraarii oo taambuugga qaadi jiray ayaa baxay.
18 Oo haddana waxaa baxay calankii xeradii reer Ruubeen siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Eliisuur ina Shedeeyuur.
19 Oo qabiilkii reer Simecoon ciidankoodana waxaa u sarreeyey Shelumii'eel ina Suuriishadday.
20 Oo qabiilkii reer Gaad ciidankoodana waxaa u sarreeyey Eliyaasaaf ina Decuu'eel.
21 Oo haddana waxaa baxay reer Qohaad oo teendhadii quduuska ahayd sida, oo kuwii kalena taambuuggay dhiseen intay iyagu soo socdeen.
22 Oo haddana waxaa baxay calankii xeradii reer Efrayim siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Eliishaamaac ina Cammiihuud.
23 Oo qabiilka reer Manaseh ciidankoodana waxaa u sarreeyey Gamalii'eel ina Fedaahsuur.
24 Oo qabiilka reer Benyaamiin ciidankoodana waxaa u sarreeyey Abiidaan ina Gidconii.
25 Oo haddana calankii xeradii reer Daan oo ugu wada dambeeyey xerooyinka oo dhan ayaa baxay siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Axiiceser ina Cammiishadday.
26 Oo qabiilka reer Aasheer ciidankoodana waxaa u sarreeyey Fagcii'eel ina Cokraan.
TIRINTII 10 in Kitaabka Quduuska Ah