Text copied!
Bibles in Somali

TIRINTII 10:11-31 in Somali

Help us?

TIRINTII 10:11-31 in Kitaabka Quduuska Ah

11 Sannaddii labaad, bisheedii labaad, maalinteedii labaatanaad ayaa daruurtii laga qaaday taambuuggii maragga korkiisa.
12 Oo markaasay reer binu Israa'iil cidlada Siinay uga guureen sida sodcaalkoodii loo amray, oo daruurtiina waxay degtay cidladii Faaraan.
13 Oo iyana markii hore waxay sodcaalkoodii ku bilaabeen amarkii Rabbigu u soo dhiibay Muuse.
14 Oo horta waxaa baxay calankii xeradii reer Yahuudah siday ciidammadoodu ahaayeen. Oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Naxshoon ina Cammiinaadaab.
15 Oo qabiilka reer Isaakaar ciidankoodana waxaa u sarreeyey Netaneel ina Suucaar.
16 Oo qabiilka reer Sebulun ciidankoodana waxaa u sarreeyey Elii'aab ina Xeelon.
17 Markaasaa taambuuggii la furay oo reer Gershoon iyo reer Meraarii oo taambuugga qaadi jiray ayaa baxay.
18 Oo haddana waxaa baxay calankii xeradii reer Ruubeen siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Eliisuur ina Shedeeyuur.
19 Oo qabiilkii reer Simecoon ciidankoodana waxaa u sarreeyey Shelumii'eel ina Suuriishadday.
20 Oo qabiilkii reer Gaad ciidankoodana waxaa u sarreeyey Eliyaasaaf ina Decuu'eel.
21 Oo haddana waxaa baxay reer Qohaad oo teendhadii quduuska ahayd sida, oo kuwii kalena taambuuggay dhiseen intay iyagu soo socdeen.
22 Oo haddana waxaa baxay calankii xeradii reer Efrayim siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Eliishaamaac ina Cammiihuud.
23 Oo qabiilka reer Manaseh ciidankoodana waxaa u sarreeyey Gamalii'eel ina Fedaahsuur.
24 Oo qabiilka reer Benyaamiin ciidankoodana waxaa u sarreeyey Abiidaan ina Gidconii.
25 Oo haddana calankii xeradii reer Daan oo ugu wada dambeeyey xerooyinka oo dhan ayaa baxay siday ciidammadoodu ahaayeen, oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Axiiceser ina Cammiishadday.
26 Oo qabiilka reer Aasheer ciidankoodana waxaa u sarreeyey Fagcii'eel ina Cokraan.
27 Oo qabiilkii reer Naftaali ciidankoodana waxaa u sarreeyey Axiirac ina Ceynaan.
28 Sidaasay reer binu Israa'iil u sodcaaleen siday ciidammadoodu ahaayeen, oo hore bay u bexeen.
29 Markaasaa Muuse wuxuu ku yidhi Xoobaab ina Recuu'eel oo reer Midyaan ahaa, oo Muuse soddog u ahaa, Annagu waxaannu u sodcaalaynaa meeshii Rabbigu yidhi, Waan idin siinayaa. Haddaba na soo raac, oo annana wanaag waannu kuu samaynaynaa, maxaa yeelay, Rabbigu wanaag ayuu ugu ballanqaaday reer binu Israa'iil.
30 Oo isna wuxuu isagii ku yidhi, Anigu tegi maayo, laakiinse waxaan u kacayaa dalkaygii iyo dadkaygii.
31 Oo isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye ha naga tegin, waayo, adigu waad garanaysaa sida roon ee aannu cidlada u degno, oo waxaad noo ahaanaysaa indho oo kale.
TIRINTII 10 in Kitaabka Quduuska Ah