Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 99:1-9 in Somali

Help us?

SABUURRADII 99:1-9 in Kitaabka Quduuska Ah

1 Rabbigu isagaa taliya, dadyowgu ha gariireen, Isagu wuxuu ku fadhiyaa keruubiimta, dhulku ha dhaqdhaqaaqo.
2 Rabbigu Siyoon dhexdeeda waa ku weyn yahay, Oo dadyowga oo dhanna wuu ka wada sarreeyaa.
3 Iyagu ha ammaaneen magacaaga weyn oo laga cabsado, Isagu waa quduus.
4 Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid, Caddaalad baad adkaysaa, Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.
5 Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya, Oo meeshuu cagaha saartona ku sujuuda, Isagu waa quduus.
6 Muuse iyo Haaruun waxay ka mid ahaayeen wadaaddadiisa, Samuu'eelna wuxuu ka mid ahaa kuwa magiciisa u yeedha, Iyagu waxay baryeen Rabbiga, oo isna wuu u jawaabay.
7 Wuxuu iyagii kala dhex hadlay tiirkii daruurta ahaa, Iyana waxay xajiyeen markhaatifurkiisii iyo qaynuunkii uu iyaga siiyey.
8 Rabbiyow Ilaahayagiiyow, waad u jawaabtay, Oo waxaad ahayd Ilaah iyaga cafiyey, In kastoo aad falimahoodii ka aargoosatay.
9 Rabbiga Ilaaheenna ah sarraysiiya, Oo isaga ku caabuda buurtiisa quduuska ah, Waayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa quduus.
SABUURRADII 99 in Kitaabka Quduuska Ah