Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 89:4-43 in Somali

Help us?

SABUURRADII 89:4-43 in Kitaabka Quduuska Ah

4 Farcankaaga weligayba waan sii adkayn doonaa, Oo carshigaaguna wuu dhisnaan doonaa tan iyo ka ab ka ab. (Selaah)
5 Rabbiyow, samooyinku waxay ammaani doonaan yaababkaaga, Oo weliba aaminnimadaadana waxaa laga dhex sheegi doonaa shirka kuwa quduuska ah.
6 Waayo, bal yaa cirka ku jira oo Rabbiga lala simi karaa? Bal yaase ku dhex jira wiilasha kuwa xoogga badan oo Rabbiga la mid ah,
7 Kaas oo ah Ilaaha ugu cabsida badan guddiga kuwa quduuska ah, Oo waajibka tahay in kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu ay ka cabsadaan.
8 Rabbiyow Ilaaha ciidammadow, Bal yaa sidaada u xoog badan, Rabbiyow? Aaminnimadaadu hareerahaagay ku wareegsan tahay.
9 Adigaa u taliya badda kibirkeeda, Oo markii hirarkeedu kacaan adigaa dejiya.
10 Rahab waxaad u kala burburisay sidii mid la dilay, Oo cadaawayaashaadiina waxaad ku kala firdhisay gacanta xooggaaga.
11 Samooyinka adigaa iska leh, dhulkana adigaa iska leh, Dunida iyo waxaa ka buuxana adigaa aasaasay.
12 Woqooyi iyo koonfurba adigaa abuuray, Taaboor iyo Xermoonba magacaagay ku reyreeyaan.
13 Adigu waxaad leedahay dhudhun itaal weyn, Gacantaaduna way xoog badan tahay, midigtaaduna way sarraysaa.
14 Carshigaaga aasaaskiisu waxa weeye xaq iyo caddaalad, Oo naxariista iyo runtuna way ku hor socdaan.
15 Waxaa barakaysan dadka yaqaan dhawaaqa farxadda leh, Rabbiyow, waxay ku socdaan wejigaaga iftiinkiisa,
16 Maalinta oo dhan waxay ku reyreeyaan magacaaga, Oo waxay ku sara marayaan xaqnimadaada.
17 Waayo, waxaad tahay ammaantii xooggooda, Oo raallinimadaada daraaddeed ayaa geeskayaga kor loogu sarraysiin doonaa.
18 Waayo, gaashaankayaga waxaa iska leh Rabbiga, Oo boqorkayagana waxaa iska leh Kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
19 Markaas quduusiintaada waxaad kula hadashay muuqasho, Oo waxaad ku tidhi, Waxaan caawimaad kor saaray mid xoog badan, Oo waxaan sarraysiiyey mid dadka laga doortay.
20 Waxaan helay addoonkaygii Daa'uud ahaa, Oo waxaan ku subkay saliiddaydii quduuska ahayd,
21 Oo gacantaydu isagay la jiri doontaa, Dhudhunkayguna isaguu xoogayn doonaa.
22 Cadowgu ma dulmi doono, Wiilka sharnimaduna ma dhibi doono.
23 Oo cadaawayaashiisa hortiisaan ku wada burburin doonaa, Oo kuwa isaga necebna waan layn doonaa.
24 Laakiinse aaminnimadayda iyo naxariistaydu isagay la jiri doonaan, Oo geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa magacayga.
25 Oo weliba gacantiisa waxaan ka sarraysiin doonaa badda, Midigtiisana webiyaasha.
26 Aniguu ii qayshan doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Adigu waxaad tahay aabbahay, Iyo Ilaahay, iyo dhagaxii weynaa oo badbaadadayda.
27 Oo weliba waxaan isaga ka dhigi doonaa curadkayga, Oo wuxuu ahaan doonaa boqorrada dunida kan ugu wada sarreeya.
28 Weligayba waxaan isaga u hayn doonaa naxariistayda, Oo axdigayguna isaguu ku sii adkaan doona.
29 Oo weliba farcankiisana waxaan ka dhigi doonaa mid weligiis waara, Carshigiisana sida wakhtiga samada.
30 Carruurtiisu hadday sharcigayga ka tagaan, Oo aanay ku socon xukummadayda,
31 Hadday qaynuunnadayda jebiyaan, Oo aanay amarradayda dhawrin,
32 Markaas xadgudubkooda waxaan kaga abaalmarin doonaa ul, Xumaantoodana jeedal.
33 Laakiinse naxariistayda oo dhan kama wada qaadi doono, Aaminnimadayduna inay isaga gabto uma oggolaan doono.
34 Axdigayga ma jebin doono, Oo wixii afkayga ka soo baxayna ma beddeli doono.
35 Mar baan waxaan ku dhaartay quduusnimadayda, Oo Daa'uud been uma sheegi doono,
36 Farcankiisu weligiisuu waari doonaa, Carshigiisuna wuxuu u waari doonaa sida qorraxda hortayda ka ifaysa.
37 Oo wuxuu weligiisba u sii jiri doonaa sida dayaxa, Iyo sida markhaatiga daacadda ah oo cirka jooga. (Selaah)
38 Laakiinse adigu waad xoortay oo waad nacday, Oo waxaad u cadhootay kaaga subkan.
39 Axdigii addoonkaaga waad nacday, Oo taajkiisiina waad nijaasaysay oo dhulka ku tuurtay.
40 Deyrarkiisii oo dhan waad dumisay, Oo qalcadihiisii oo dhanna waad burburisay.
41 Wax alla wixii jidka soo mara oo dhanba isagay dhacaan, Oo derisyadiisana wuxuu u noqday cay.
42 Waxaad kor u qaadday midigtii kuwii dulmayay, Cadaawayaashiisii oo dhanna waad ka farxisay.
43 Oo weliba afka seeftiisana dib baad u celisaa, Isagiina kama aad dhigin inuu dagaalka ku sii adkaysto.
SABUURRADII 89 in Kitaabka Quduuska Ah