Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 86:8-16 in Somali

Help us?

SABUURRADII 86:8-16 in Kitaabka Quduuska Ah

8 Sayidow, adigoo kale ilaahyada kuma jiro, Oo shuqulladaadana wax la mid ahu ma jiraan.
9 Sayidow, quruumihii aad samaysay oo dhammu way iman doonaan oo hortaaday ku sujuudi doonaan, Waxay ammaani doonaan magacaaga.
10 Waayo, adigu waad weyn tahay, oo waxyaalo yaab badanna waad samaysaa, Oo adiga keliya ayaa Ilaah ah.
11 Rabbiyow, jidkaaga i bar, oo anna runtaadaan ku socon doonaa, Qalbigayga mid ka dhig si aan magacaaga uga cabsado.
12 Sayidow Ilaahayow, qalbigayga oo dhan waan kugu ammaanayaa, Oo weligayba waxaan ammaani doonaa magacaaga.
13 Waayo, naxariistaadu xaggayga way ku weyn tahay, Naftaydana waxaad ka soo samatabbixisay She'oolka ugu hooseeya.
14 Ilaahow, kuwa kibirka lahu way igu keceen, Ururka dadka dulmiga badanna waxay doonayeen inay nafta iga qaadaan, Oo adigana kuuma ay soo jeesan.
15 Laakiinse adigu Sayidow, waxaad tahay Ilaah ay raxmad iyo nimco ka buuxaan, Oo cadhada u gaabiya, oo naxariis iyo runba badan.
16 Ii soo jeeso, oo ii naxariiso, Oo anoo addoonkaaga ah xoog i sii, Oo i badbaadi anoo wiilka addoontaada ah.
SABUURRADII 86 in Kitaabka Quduuska Ah