Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 83:3-15 in Somali

Help us?

SABUURRADII 83:3-15 in Kitaabka Quduuska Ah

3 Dadkaagay xeelad ugu tashadaan, Oo waxay dhammaantood u arrinsadaan kuwaad qarisay.
4 Waxay isku yidhaahdeen, Kaalaya, aan baabbi'innee, yaanay mar dambe quruun ahaanine. Si aan magaca Israa'iil dib loogu soo xusuusan.
5 Waayo, iyagoo isku waafaqsan ayay ku arrinsadeen, Oo axdi kaa gees ah ayay isla dhigtaan,
6 Teendhooyinkii reer Edom iyo reer Ismaaciil, Iyo reer Moo'aab iyo reer Hagariim,
7 Reer Gebal iyo reer Cammoon iyo reer Camaaleq, Reer Falastiin iyo kuwii Turos degganaa,
8 Oo xataa reer Ashuurna way ku darsameen, Oo waxay kaalmeeyeen ilma Luud. (Selaah)
9 Iyaga ku samee wixii aad ku samaysay reer Midyaan, Iyo Siiseraa iyo Yaabiin markii ay ag joogeen Webi Qiishoon,
10 Waxay ku halligmeen Ceyn Door, Oo waxay dhulka u noqdeen digo.
11 Nimankooda gobta ah oo dhan waxaad ka dhigtaa sida Cooreeb iyo Se'eeb, Oo amiirradooda oo dhanna sida Sebah iyo Salmunnac,
12 Kuwaas oo isyidhi, War aan iska qaadanno oo hantinno Ilaah degmooyinkiisa.
13 Ilaahayow, iyaga ka dhig sida boodhka warwareega, Iyo sida xaab dabaysha ka horreeya,
14 Sida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya,
15 Sidaasoo kale iyaga duufaankaaga ku eri, Hufadaadana ku cabsii.
SABUURRADII 83 in Kitaabka Quduuska Ah