Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 83:1-9 in Somali

Help us?

SABUURRADII 83:1-9 in Kitaabka Quduuska Ah

1 Ilaahow, shib ha odhan, Oo ha aamusin, afkana ha haysan, Ilaahow.
2 Waayo, bal eeg, cadaawayaashaadu way buuqaan, Oo kuwii ku nebcaana madaxay kor u qaadeen.
3 Dadkaagay xeelad ugu tashadaan, Oo waxay dhammaantood u arrinsadaan kuwaad qarisay.
4 Waxay isku yidhaahdeen, Kaalaya, aan baabbi'innee, yaanay mar dambe quruun ahaanine. Si aan magaca Israa'iil dib loogu soo xusuusan.
5 Waayo, iyagoo isku waafaqsan ayay ku arrinsadeen, Oo axdi kaa gees ah ayay isla dhigtaan,
6 Teendhooyinkii reer Edom iyo reer Ismaaciil, Iyo reer Moo'aab iyo reer Hagariim,
7 Reer Gebal iyo reer Cammoon iyo reer Camaaleq, Reer Falastiin iyo kuwii Turos degganaa,
8 Oo xataa reer Ashuurna way ku darsameen, Oo waxay kaalmeeyeen ilma Luud. (Selaah)
9 Iyaga ku samee wixii aad ku samaysay reer Midyaan, Iyo Siiseraa iyo Yaabiin markii ay ag joogeen Webi Qiishoon,
SABUURRADII 83 in Kitaabka Quduuska Ah