Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 7:9-12 in Somali

Help us?

SABUURRADII 7:9-12 in Kitaabka Quduuska Ah

9 Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah, Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka.
10 Gaashaankaygu wuxuu la jiraa Ilaaha Badbaadiya kuwa qalbigoodu qumman yahay.
11 Ilaah waa xaakin xaq ah, Oo waa Ilaah maalin kasta dhirifsan.
12 Haddii aan laga noqon, isagu seeftiisuu afaysan doonaa, Qaansadiisana wuu xootay, oo wuu diyaarsaday.
SABUURRADII 7 in Kitaabka Quduuska Ah