Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 71:12-18 in Somali

Help us?

SABUURRADII 71:12-18 in Kitaabka Quduuska Ah

12 Ilaahow, ha iga fogaan, Ilaahayow, soo dhaqso oo i caawi.
13 Kuwa naftayda cadaawayaal ku ahu ha ceeboobeen oo ha baabba'een, Oo kuwa waxyeelladayda doondoonayana ceeb iyo sharafdarro ha ku bateen.
14 Laakiinse anigu had iyo goorba wax baan rajaynayaa, Oo weliba waan kuu sii ammaanayaa aad iyo aad.
15 Afkaygu wuxuu maalinta oo dhan ka sheekayn doonaa xaqnimadaada, iyo badbaadintaada, Waayo, anigu ma aqaan intay tiro le'eg yihiin.
16 Waxaan la imanayaa Sayidka Ilaahaa shuqulladiisa xoogga leh, Oo waxaan ka hadli doonaa xaqnimadaada, taasoo ah taada oo keliya.
17 Ilaahow, wax baad i bari jirtay tan iyo yaraantaydii, Oo ilaa haatanna waxaan caddayn jiray shuqulladaada yaabka badan.
18 Ilaahow, ha i dayrin, xataa markaan gaboobo oo madaxaygu cirroobo, Jeeraan xooggaaga uga warramo farcanka dambe Oo aan itaalkaaga uga sheekeeyo mid kasta oo hadda ka dib imanaya.
SABUURRADII 71 in Kitaabka Quduuska Ah