Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 69:4-13 in Somali

Help us?

SABUURRADII 69:4-13 in Kitaabka Quduuska Ah

4 Kuwa sababla'aanta ii nebcaadaa way ka sii badan yihiin timaha madaxayga, Kuwa doonaya inay i baabbi'iyaan iyagoo cadaawayaashayda gardarro igu ah waa xoog badan yihiin, Markaasaan magdhabay wax aanan qaadan.
5 Ilaahow, waad og tahay nacasnimadayda, Oo dembiyadayduna kaama qarsoona.
6 Sayidow, Ilaaha ciidammadow, kuwa ku sugaya yaanan ceeb u soo jiidin, Ilaaha reer binu Israa'iilow, kuwa ku doondoonaya yaanan sharafjab u soo jiidin.
7 Maxaa yeelay, adiga daraaddaa ayaan cay u qaaday, Oo waxaa wejigaygii ka muuqatay ceeb.
8 Waxaan walaalahay u noqday shisheeye, Oo ilma hooyadayna waxaan u noqday ajanabi.
9 Qiiradii aan gurigaaga u qabay ayaa i gubtay, Oo caydii kuwii ku caayay ayaa igu kor dhacday.
10 Markaan ooyay, oo aan naftayda soon ku edbiyey, Taasu waxay igu noqotay ceeb.
11 Markaan joonyado dhar ka dhigtayna, Waxaan iyagii u noqday masaal.
12 Kuwa iridda fadhfadhiyaa way igu sheekaystaan, Oo kuwa sakhraanka ahuna way igu gabyaan.
13 Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow, Ilaahow, naxariistaada badan Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab.
SABUURRADII 69 in Kitaabka Quduuska Ah