Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 60:4-8 in Somali

Help us?

SABUURRADII 60:4-8 in Kitaabka Quduuska Ah

4 Calan baad siisay kuwa kaa cabsada, In runta loo soo bandhigo aawadeed. (Selaah)
5 Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan, Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab.
6 Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod.
7 Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushayda boqornimo.
8 Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Falastiinay, qayli aawaday.
SABUURRADII 60 in Kitaabka Quduuska Ah