Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 59:1-6 in Somali

Help us?

SABUURRADII 59:1-6 in Kitaabka Quduuska Ah

1 Ilaahayow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Oo kuwa igu kacayna meel sare iga saar.
2 Iga samatabbixi xumaanfalayaasha, Oo dadka dhiigyocabyada ahna iga badbaadi.
3 Waayo, bal eeg, waxay gaadaan naftayda, Oo kuwa xoogga badanuna way isu kay wada urursadaan, Rabbiyow, weliba ma aha xadgudubkayga aawadiis iyo dembigayga aawadiis toona.
4 Waxay u ordaan oo isu diyaariyaan wax aanan eed ku lahayn, Dartay u kac inaad i caawiso oo aad i eegto.
5 Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, Sara joogso oo quruumaha oo dhan soo booqo, Oo innaba ha u naxariisan xadgudbayaasha. (Selaah)
6 Fiidkay soo noqdaan, oo waxay u ciyaan sida eey oo kale, Oo waxay ku warwareegaan magaalada hareeraheeda.
SABUURRADII 59 in Kitaabka Quduuska Ah