Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 50:17-23 in Somali

Help us?

SABUURRADII 50:17-23 in Kitaabka Quduuska Ah

17 Adigoo tacliinta neceb, Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura.
18 Markaad tuug aragtay waad oggolaatay, Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo.
19 Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.
20 Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa, Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.
21 Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay, Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah, Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.
22 Kuwiinna Ilaah illoobayow, bal waxan ka fiirsada, Waaba intaasoo aan cadcad idiin jeexjeexaaye, oo aad wax idin samatabbixiya weydaane,
23 Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa, Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.
SABUURRADII 50 in Kitaabka Quduuska Ah