Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 39:2-5 in Somali

Help us?

SABUURRADII 39:2-5 in Kitaabka Quduuska Ah

2 Waan carrab beelay oo shib baan iska idhi, oo waan ka aamusay xataa wixii wanaagsanaa, Tiiraanyadaydiina waa kacday.
3 Qalbigaygu uurkayguu ku kululaaday, Oo intii aan fikirayay ayaa dabkii shidmay, Markaasaan carrabkaygii ku hadlay, oo idhi,
4 Rabbiyow, i ogaysii ugu dambaystayda Iyo cimrigayga dhererkiisu intuu yahay, Oo i ogaysii inta tabardarradaydu tahay.
5 Bal eeg, maalmahayga waxaad ka dhigtay calaacal ballaadhkeed Oo cimrigayguna hortaada waxba kuma aha, Hubaal nin kastaba marka xaalkiisu ugu wanaagsan yahay dhammaantiis waa bilaash. (Selaah)
SABUURRADII 39 in Kitaabka Quduuska Ah