Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 36:2-9 in Somali

Help us?

SABUURRADII 36:2-9 in Kitaabka Quduuska Ah

2 Waayo, wuu isfaaniyaa inaan dembigiisa la garan karin Oo aan la nebcaanayn.
3 Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano, Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.
4 Wuxuu sariirtiisa ku hindisaa xumaan, Oo wuxuu joogsadaa jid aan wanaagsanayn, Oo weliba sharka ma naco.
5 Rabbiyow, raxmaddaadu samooyinkay ku jirtaa, Aaminnimadaaduna daruurahay gaadhaa.
6 Xaqnimadaadu waa sida buuraha Ilaah, Oo xukummadaaduna waa mool dheer, Rabbiyow, waxaad nabad gelisaa dadka iyo duunyadaba.
7 Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa! Oo binu-aadmiguna wuxuu magangalaa hooska baalashaada.
8 Aad bay uga dhergi doonaan barwaaqada gurigaaga, Oo waxaad iyaga ka waraabin doontaa webiga farxaddaada.
9 Waayo, isha noloshu aday kula jirtaa, Oo iftiinkaagaannu iftiin ku aragnaa.
SABUURRADII 36 in Kitaabka Quduuska Ah