Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 33:2-13 in Somali

Help us?

SABUURRADII 33:2-13 in Kitaabka Quduuska Ah

2 Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.
3 Gabay cusub isaga ugu gabya, Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.
4 Waayo, Rabbiga eraygiisu waa toosan yahay, Oo shuqulkiisa oo dhanna waxaa lagu sameeyey aaminnimo.
5 Wuxuu jecel yahay xaqnimo iyo caddaalad, Dhulka waxaa ka buuxda Rabbiga raxmaddiisa.
6 Samooyinka waxaa lagu sameeyey Rabbiga eraygiisa, Oo guutooyinkooda oo dhanna waxaa lagu uumay neefta afkiisa.
7 Isagu biyaha badda intuu isku ururiyo ayuu wuxuu ka dhigaa sidii taallo oo kale, Oo moolalka dhaadheerna wuxuu dhex dhigaa maqsinno.
8 Inta dhulka joogta oo dhammu Rabbiga ha ka cabsadeen, Inta dunida deggan oo dhammu isaga ha ka baqeen.
9 Waayo, isagu wuu hadlay, wayna noqotay, Oo wuu amray, wayna adkaatay.
10 Rabbigu quruumaha taladooda wuu baabbi'iyaa, Oo dadyowga fikirradoodana wuu buriyaa.
11 Laakiinse Rabbiga taladiisu weligeedba way adkaataa, Oo fikirrada qalbigiisuna waxay adkaadaan tan iyo ka ab ka ab.
12 Waxaa barakaysan quruunta Ilaaheedu Rabbiga yahay, Taasoo ah dadka uu isagu u doortay dhaxalkiisa.
13 Rabbigu samaduu wax ka soo fiiriyaa, Oo wuxuu arkaa binu-aadmiga oo dhan,
SABUURRADII 33 in Kitaabka Quduuska Ah